Duqa Muqdisho oo dardar gelinaya bilicda caasimadda

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray waddada Daalo oo kamid ah wadooyinka uu saameeyay roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan waxaa duqa Magaalada Muqdisho ku wehelinaaye Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha ciidanka ilaalinta waddooyinka ee Boliiska.

Sidoo kale, masuuliyiintan iyo saraakiisha amniga ayaa kormeeray xaafadaha ku teedsan Waddada Daalo si ay ugu kuur galaan shaqada ay Dowladda Hoose e Xamar ka waddo Waddadaas oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee Caasimadda.