Maamulka Gobalka Banaadir oo shaaciyay xiliga la qabanayo Cayaarta Finalka ee Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar Kulan kula qatay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xiriika Kubadda Cagta  iyo Xubno Kale Oo ka Shaqeenaya Qabsoomida Cayaarta Finalka ee Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya taasi oo dhex-mari doonta Kooxaha MMC iyo Horseed.

Madaxda ayaa isku raacday in Cayaartaan ay dhacdo 2-da Bisha Augosto 2021, kana dhacdo Garoonka Eng. Yariisow Stadium.