WararkaGudaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo magacaabay saraakiil baaraya kiiska Ikraan

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sadax Sarkaal oo ka kala Socda Xafiiska Xeer ilaalinta, Booliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa Faray Taliska NISA in ay ula shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda ee Ikraan.

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Maqanad Ikraan Tahliil.