Xudeyfi oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Taliska Booliska Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa goordhow isku soo dhiibay Cabdirisaaq Cabdullaahi Maxamuud oo magaciisa Afgarashada uu Yahay (Xudeyfa).

Xudeyfa wuxuu ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab gaar ahaan dhalinyarada la qalday, wuxuuna Alle mahadii gartay in hab Dhaqanka guracan ee Al-Shabaab uusan ahayn mid u adeega Diinta iyo Dhaqanka suuban ee islaamka.

Cabdirisaaq ayaa argagaxisada la shaqeynayay muddo lix sano ah.