Wafdi ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdigaan ayaa ah xubnihii labaad ee ka tirsan gudiga doorashooyinka heer fadaraal oo gaaraayo magaalada kismaayo oo a caasimadda ku meel gaarka ee dowlad goboleedka jubaland.
Iyada oo wafdigii koobaad oo ka tirsan gudiga doorashooyinka ay Shalay gaaray magaalada Kismaayo wafdigaas oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka heer Fadaraal Maxamed Xasan Cirro oo ay ku wehliyeen Xubno kale oo ka tirsan Gudiga doorashooyinka ee FEIT waxeyna halkaasi u gaareen si ay goob joog ugu noqdaan doorashada Xubnaha aqalka sare ee lagu dooranaayo magaalada Kismaayo.
Sido kale Gudiga inta ay ku suganyihiin magaalada Kismaayo ayaa waxey ka shaqeyn doonaan dad-dar galinta doorasho xur iyo xalaal ah sidii loo qaban lahaa.