Guddiyada doorashooyinka Qaranka iyo Jubbaland oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay

Kismaayo- Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland kulan ku yeeshay Xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal Mudane Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha kale ee guddiga  ayaa kala hadlay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dowlad Goboleed Jubaland  ahanaanka doorashooyinka ka dhacaya qeybo ka mid ah degaanada maamulka  Jubbaland iyo sida ugu wanaagsan ee loo hirgalin karo doorashada.

Guddiga doorashooyinka heer Faderaal iyo  kuwa Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa isla qaatay in la dardargaliyo howlaha doorashooyinka oo si weyn ay indhaha ugu hayaan bulshada Soomaaliyeed iyo aduunka oo dhan.