Galmudug oo kor u qaadeysa tayada shaqaalaha wasaaradaha

Tababarkan oo socanayey mudo laba maalmood ah ayaa qabtay Shaqaalaha Wasaaradaha Galmudug gaar ahaan agaasime waaxeedyada si kor loogu qaado tayada shaqaalaha Galmudug waxaana qabanayay Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Galmudug.

Shamso C/qaadir Suufi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Galmudug ayaa ugu horayn xiritaanka aqoon is waydaarsiga ka hadashay waxa ayna dardaaran u jeedisay ka qaybgalayaasha Tababarka si ay uga faa’iidaystaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay in Wasaaradu diyaarisay Sharciga Shaqaalaha si qof waliba oo ka mid ah Shaqaalaha Galmudug uu u helo xuquuqdiisa una guto Waajibaadka saaran sidaa daraadeed Tababarkan loo qabtay Tayeynta Shaqaalaha.

Wasaaradaha Galmudug ayaa waxaa ka Howlgala Shaqaale badan kuwaas oo sare u qaaday Howlaha Maalin laha ah ee Dowlad Goboleedka si Bulshada loogu adeego.