Madaxweynaha Tunuusiya oo xilkii ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas.

Madaxweynaha dalka Tunuusiya Kais Siciid ayaa xaley ku dhawaaqay in uu xilkii ka xayuubiyey Raysal Wasaaraha dalkaas, sidoo kalena uu joojiyey dhammaan howlihii Baarlamaanka waddankaasi.

Madaxweyne Kais Siciid waxa kale uu xasaanaddii ka qaaday dhammaan xildhibaannada Baarlamanka Tunuusiya

Tallaabada madaxweynaha ayaa timi kaddib mudaharaado rabshado wata oo ka dhacaya magaalooyinka waa weyn ee Tunuusiya, taasi oo dadku ay kaga cabanayaan aafada COVID19 iyo dhaqaalaha dalkaasi oo liita.

Hase ahaatee xisbiga talada dalkaas haya iyo Baarlamanka ayaa go’aannada madaxweynaha ku tilmaamay Af-gambi.

Garoomada Diyaaradaha, Xuduudaha bad iyo berri ayaa sidoo kale la xidhay dalkaasi.