Raiisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada haweenka

Si loo hubiyo matalaadda haweenka ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya.