Duqeyn ka dhacday meel u dhexaysa Xarardheere iyo Qaycade oo lala beegsaday argagixisada Al-shabaab

markale ayay Ciidanka Xoogga Dalka,Danab iyo bahwadaagtooda ayaa jab culus u gaysteen argagaxisada Alshabaab.

Saakay barqadii abbaaro 10:21, meel u dhaxeysa magaalada Qaycad iyo degmada Xarardheere ayaa duqeyn cirka ah lagula helay argagaxisada Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa asiibtayAl-shabaab iyo hubkooda iyada oo aan shacabka halkaa ku dhaqan waxba yeelin.

Al-shabaab marna ma gaari karaan xeeladda ciidan ee Danab iyo Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidanka XDS,Danab ayaa imanka u ruqaansaday inay ka sifeeyaan haraadiga Alshabaab ee ku harsan deegannada Galmudug.

Midna waa in maanka lagu hayo, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Danab marna joojin maayaan baacsiga Al-shabaab ilaa ay Aslhabaabku waayaan meel ay ku dhuuntaan.