Ciidamada NISA oo howlgal ka fuliyay degaanno hoostaga degmada Balcad

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, gaar ahaan kuwa howlgallada gaarka ah fuliya ee Duufaan ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka fuliyay deegaanno hoos taga degmada Balcad iyo Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa Tuulooyinka hoostaga degmada Balcad gaar ahaan kuwa ku teedsan Hareeraha laamiga ka sameeyay howlgallo baaritaan Guri guri ah, oo Amaanka lagu xaqiijinaayo.

Saraakiisha Ciidamadda horkaceysay ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa baacsiga Argagixisadda ay suuragal tahay inay meelahaasi ku dhuumaalaysanayaan.
Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ka socda Dhismo, iyada oo dhismahaas ay amnigiisa sugayan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee loo yaqaanno Haramcad.