Ciidanka Xoogga oo soo af-jaray Dhagar-qabayaal xalay Hoobiyeyaal ku weeraray Aw-dhiigle

Hoobiyeyaasha ay arxan-laawayaashu ku soo tureen deegaankan ayaa khaasaro hantiyeed iyo dhaawac u geystay dadka deegaanka.

Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Aw-dhiigle ayaa weerar ku qaaday qaaday maleeshiyadii Hoobiyeyaasha ku soo weeraray deegaankaas, kuwaa oo qorsheynayay in Hoobiyeyaasha kedib ay weerar fuleynimo ah ku qaadaan.

Ciidamada ayaa sheegay in ay soo af-jareen Maleeshiyadaas oo ku dhuumaaleysanayay meel ka baxsan Aw-dhiigle, waxa ayna ciidanku guulo la taaban karo ka gaareen hawlgalkaas.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyay gobolada dalka ka waday hawlgalo culus oo lagu baacsanayo dhagar-qabayaasha Al-shabaab, waxaana laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubaland.