Mareykanka oo 100-milyan u qorsheeyay dib u dejinta qaxootiga Afghanistan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ogolaaday ilaa 100-milyan doolar oo loogu talagalay in lagu maareeyo kumanaan qof oo reer Afghanistan ah oo dalbaday fiisooyinka socdaalka gaarka ah,iyagoo cabsi ka qaba kooxda Taliban,sababo la xiriira in ay ahaayeen shaqaale la shaqeeya ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afganistaan.

Mareykanka ayaa isku diyaarinaya inuu bilaabo daad gureynta qeybtii ugu horeysay ee dadkaasi oo la geynayo Fort Lee, oo ah saldhig milatari oo ku yaal gobolka Virginia, halkaas oo ay ku sugi doonaan codsiyada fiisaha.

Maamulka Biden wuxuu dib u eegis ku sameynayaa xarumaha kale ee Mareykanka ee gudaha iyo dibedda, halkaasoo la dejin karo codsadayaasha iyo qoysaskooda.

Fiisooyinka soogalootiga qaaska ah waxaa heli kara dadka reer Afghanistan ee ku shaqeeyay turjumaan ahaan ama qabtay shaqooyin kale, wixii ka dambeeyay duulaankii Mareykanka uu horkacayay 2001-dii.

Maalintii Khamiista ee la soo dhaaafay Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa soo saaray sharci balaarinaya ilaa 8-kun tirada codsadayaasha  ee la siin karo fiisaha, kaasoo dabooli doona dhammaan baahiyada dadka