Maleeshiyaadka Al-shabaab oo looga adkaaday dagaal maanta ka dhacay Mudug

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Daraawiishta ee Galmudug ayaa ku guuleystay dagaal dhan ka ah maleeshiyaad Al-shabaab ee ku haray deegaanka Qod-qod oo ka tirsan Mudug.

Ciidamada oo isbaheysanaya ayaa maleeshiyaad Al-shabaab ka saaray deegaanka Qod Qod ee gobolka Mudug,halkaasi oo ay si dhuumaakeysi ah ku joogeen kooxdaasi.

Saraakiisha Howgalka Hogaamineysay ayaa Xaqiijayay in dagaalkii manta looga adkaaday kooxdaasi,isla markaana laga saaray deegaanka Qod Qod.

, Wasiirka Amniga Galmudug mudane Axmed Mucalim Fiqi,ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyay in ay sii socon doonaan dagaalada kooxdaasi looga saarayo deegaanada Mudug iyo Gaalgaduud.