Shuhaddadii ku shahiiday musiibadii ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar 24 July 2019 oo kulan duco ah loo sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo mas’uuliyiin kale ayaa xarunta Mu’asasada Macalin Nuur ee Degmada Hodan kaga qeybgalay xus iyo duco loo sameeyay Shuhadadii ku shahiiday musiibadii ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar 24 July 2019.

Allaha u Naxriisto Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho AUN Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) La-Taliyeyaal Sare, Guddoomiyeyaal Degmo iyo Agaasimeyaal ayaa ku shahiiday Musiibadaasi, iyadoo maalinta bari oo ku beegan 24 July Xarunta Aqalka Dowlada Hoose lagu qaban doonno Duco loo sameyn doonno Shuhadadaasi.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo culamadii ka qeyb-gashay Xuska iyo Ducada maanta lagu qabtay Mu’asasada Macalin Nuur ayaa halkaasi ugu Duceeyay Shuhadada.