Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay natiijada Imtixaanka dugsiyada sare

Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS ayaa ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Sanad Dugsiyeedka 2020-2021, waxaana ka qeyb galay Sanadkaan 34908 arday oo ku kala sugan goboladda dalka iyo Caasimadda Muqdishu.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo tacliinta XFS Mudane Xildhibaan Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in ay Wasaaradda Waxbarshadda masuuliyad iska saari doonto sidii loo hubin lahaay tayadda iskuuladda bixiya Waxbarshadda Dugsiga Sare sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in laga bilaabo Sanadka 2021-2022 albaababadda la isagu dhufan doono iskuuladda bixiya fasalka 3aad iyo Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare ee aanan laheyn Dugsi Sare oo rasmi ah.

Dhanka kale Wasiir Cabdullahi Carab ayaa sheegay in sii wadan karaan iskuulada Hoose, Dhexe koorsooyinka lagu dhisayo dadka ay kala wayntahay da’adooda iyo waxbarshadooda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Maxamed Caabi Xasan oo ka hadlay goobta Imtixaanka lagu soo bandhigayay ayaa u mahad celiyay ardayda ka mira dhaliyay Da’daalkoodi iyo kuwa kaalimaha hore galayna ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay  siin doonaan deeq waxbarsho oo ah heer jaamacadeed.

Agaasimaha wasaarada waxbarashada  ayaa ku dhiiri geliyay ardayda aysan u suurta gelin in ay ka gudbaan imtixaanka in aysan niyad jebin wakhtigii dheeraa oo ay wax soo barteen eyan ugu harin hal sano oo ay Imtixaan ka gudbi waayeen.

Wasaaradda Waxbarshadda ayaa Imtixaanka mideysan qaadeysa Sanadkii 7 aad oo xariir ah waxaana nasiib u yeeshay sandkaan in ay ka gudbaan Imtixaanka Qaranka arday gaareysa 30262 oo u dhiganta 87% halka ay dhaceen 4646 una dhiganta 13% waxaa nasiib wanaag ah in ay baaseen ardaydii ugu badneynd 3sano ee lasoo dhaafay.

Lifaaqa Hoose Ka akhriso War-Saxaafadeedka.