Madaxweynaha Galmudug oo gaaray degaanka Qaycad

Samareeb-Madaxwaynaha maamul goboleedka Galmudug mudane, Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa goordhow gaaray degaanka Qaycad oo ka mid ah furimaha hore ee ay saakay Ciidamada qalabka sida ee Galmudug kala wareegeen Argagaxisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor-qoor oo qayb ka ah hoggaaminta dagaalka ayaa horseed u noqonaya howlgallada ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Howlgallada lagu baacsanayo haraadiga Argagixisada Al-shabaab ayuu ujeedkoodu yahay in malleeshiyada lagaga sifeeyo magaalo xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug iyo degaannada kale ee ay firxadka ku joogaan.