Wasiirka difaaca Soomaaliya oo Muqdisho kusoo dhoweeyay dhiggiisa dalka Ireland

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu Welhiyo Wasiirka arrimaha dibedda XFS Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxay Muqdisho kusoo dhaweeyeen Wasiirka Wasaaradda difaaca iyo arrimaha dibedda dalka Ireland Simon Coveney TD iyo xubno kale oo la socday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Gaashaandhigga iyo arrimaha dibedda Ireland ayaa si wadajir ah salaan ugu qaatay cutubyo ka tirsam Ciidanka xoogga Dalka oo u garaacay astamaha labada dowladood.

Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha waxaa ku sugnaa oo soo dhaweynta Wafdigan qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid Samatar,Saraakiil ka tirsan XDS iyo Xubno kale .