R/wasaare Rooble oo kulan casho ah la qaatay Guddiga Doorashooyinka ee heer federaal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magalada Muqdisho kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer ee federal.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa Guddiga ku bogaadiyey dadaalka iyo hannaanka shaqo ee ay u wadaan howlaha  ku saabsan doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,waxa uu kula dardaarmay guddigaasi in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.