Guddoomiye Cumar filish oo kormeeray goobihii ay waxyeelleeyeen Roobabka ka da’aya Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa  kormeer ku tagay qaar ka mid ah xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Waddooyinka waaweyn ee dhex mara Caasimadda xilli lagu guda jiro Maalintii 3aad ee Ciidul Adxa isla markaana Magaalada ay ka da’ayaan Roobab xagaa ah.

Duqa Muqdisho ayaa u kuur galay goobaha Roobabka uu biyo dhigay iyo bullaacadaha qaada biyaha, wuxuuna faray Agaasinka Bullaacadaha iyo Agaasinka guud ee bilicda iyo nadaafadda in la dar-dar geliyo howlaha biyo qaadista iyo nadaafadda Caasimadda Muqdisho.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka da’ayay Roobab xagaa ah iyadoo ay waaxyaha kala gedisan ee Maamulka Gobolka Banaadir ku mashquulsan yihiin sidii bilicda iyo Biyaha Roobka uu dhigay Magaalada wax looga qaban lahaa.