Bulshada Dhuusamareeb oo ciidamada ugu deeqay daawooyin samofal ah

Maamulka Galmudug iyo taliska ciidamada Xoogga ee ku sugan halkaasi,ayaa la wareehay daawooyin samofal ah oo ay ku deeqeen bulshada ku dhaqan degmada Dhuusamareeb.

Daawooyinkaan oo ah kuwo loogu talagalay ciidamada,waxaa lageeyay furimaha hore ee bariga gobolka mudug ,iyadoo kaalmadaasi daawada ah ay ku deeqeen bulshada ku dhaqan degmada Dhuusamareeb oo uu hor kacayay Dr. mahad Cabdulaahi Shiine .

Guddoonsinta daawooyinkaan,waxaa ka mahad celiyay taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka, wasiirka amniga Galmudug iyo saraakiisha kale ee talisyada kala duwan ee Ciidamada .

Dhinaca kale laba gantaal oo kuwa diyaaradaha ah ayaa lagu duqeeyey goobo ay Al-shabaab ka joogeen gobolkaasi, waxaana hadda horey u sii durkaya ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug.