MAALMAHA CIIDU AL-ADXAA

Umadd kasta oo caalamkaan ku noo kuwaasi oo aaminsan caqiido sidaydoonto ha’ahaate waxay leeyihiin maalmo farxadeed, umadda muslimka ah silamida sidaas waxay leeyihiin maalmo farxadeed.

Sanadkiiba labo maalmood ayay ciidaan ( Ciid AL FIDRI IYO CIID AL ADXAA) sidoo kale todobaadkiiba ah maalin ayay lee yihiin ( CIID AL USBUUC)

Maalmaha ay muslimiintu ciidan waa maalmo qiima badan kuwaasi oo ku soo aada xilliyo ay dadka muslimtiinta ah ay guteen mid ka mida waajibaadka Alle uu saaray kuwooda ugu qiimaha badan sida bisha Ramadaan soonkeeda ama marka qaar ka mida muslimiintu ay gudanayaan wajibaadka uu Alle saaray sida wajibaadka Xajka, dadka muslimka ah ee aan xajka tagin cududaar jira aawadeed waxaa iyagana laga rabaa inay farxaan oo ay ciidaan.

Ciidul-Adxaa waa mid kamida ciidaha ugu waa waayn ee umadda Islaamka ah ay lee yihiin, qof walba oo muslim ah waxaa laga rabaa inuu muujiyo shacaa’irta( astaamaha) Islaamka, ciidul Adxaa waxay kamid tahay astaamaha diinteena suuban, qof walbow ka qayb qaado farxadda muslimiinta.

Subixii adoo waxba soo cunin soo labiso dharka ugu qurxuun ee aad helikarto, ka qayb qaado jameecada salaadda sunada ah, marka aad soo laabato qal ama gowrac neef xoola ah si dadka ay u helaan farxad.

In darisku ay iska warqabaan, qof walba oo muslim ah waxaa laga rabaa inuu ka warhaayo jaarkiisa, waxaa kale oo lagaa rabaa inaad soo booqato dadka qaraabadaada ah, iskuugu hambayayn ciidul Adxaa iyo ismarxabayn ayaa la iska rabaa.

Muddo sadex bari ah salaadkasta oo waajib ah ka gadaal waxaa la iska rabaa Takbiir iyo Taxbiid, ruux walbow ka faa’iidayso maalmahaas farxadda ah.

Waxaa layaab ah oo arkee dad muslim ah oo aan sifiican ugu dabaal dagin maalmaha ciidda Islaamka hadana u dabaal dagaya ciid gaaleed oo laga yaabo inuusan aqoon waxa loola jeedo macnaheeda.

Kirismas-dheey ayaa dad badan oo muslimiin ah u dabaalgaan sanadkasta marka uu bilaabanaayo taariikhda Miilaadiyada, waxaa laga yaabaa inay aadaan xarumo dalxiis sida xeebaha iyo huteelada, waxay ku lee yihiin “Happy new year!” Cirmas-day waxaa loola jeeda maalinta uu dhashay nabi Ciise HS oo iyagu ay kawadaan Ilaah.

Marka qof walba oo muslim ah waxaa laga rabaa inuusan ku wareerin wax aan jirin, muslimiintu waxay lee yihiin maalmo ciid ah oo la yaqaan sida ciid Adxaa, ciid Fidri iyo ciid Usbuuc (Jimcaha)

WQ: Muuse Cabdinuur Maxamuud