MAXAA LAGA BARTAY DOORASHADII DALKA EE 2017

In ka badan 180 Xildhibaan oo ku kulmay Hoteelka SYL Sanadkii 2017- ayaa balanqaad usameeyay Madaxweynahii hore Xasan sheekh Maxamuud  oo xilligaa ahaa Musharax Mar kale u taagan Xilka Madaxweynaha JFS, ayada oo ay ka muuqatay Dareenkiisa Inuu soo laaban Doona tilmaamayna in qabyo Ninkiisa dhameeys tirto,  Weedhaa oo ay qancisay Ka soo qeyb galayaal badan oo joogay goobtaas.

Cajiiib!
Balse taas mid ka duwan ayaa dhacday 8.02.2017. Si kasta oo qofka u soo saarto Xildhibaanno haddana  marka la gaaro Sanduuqa isaga siduu doono ayuu sameynayaa oo cidi ma ogo waxa uu go’aansanayo.

Sifadaan  Ayaan aheyn mid qurux badan oo inta balan qaad loo sameeyo qof haddana looga baxo, waa diin darro maadama aynu nahay dad islaama waxa inalagu yaqaan mar haddii aad balan qaado aad ka soo baxdo, Xaddiiskii Nabi Maxamed SCW, Ayaa ahaa «لا إيمان لمن لا أمانة له، ولا دين لمن لا عهد له» oo in badan  cadeynayo in iimaan la’aantu tahay  Amaano darro, Balan la’aantuna tahay  Diin darro.
Su’aashu??
Mar haddiiba sidaa yahay xaalku Soow ma wanaagsano in Xildhibaanno aqoon leh oo iimaan leh oo aakhiro ku weyn tahay Dalka iyo Dadkuna Anfacayo in la soo saaro kuluma wanaagsana Aqriye? si dalkan uu u helo  qofka ugu wanaagsan jaanis kaa oo noqon karo Midka jooga markaa ama kuwa kale kii markaa  Allaah calaf uga dhigo?.
Baddal uu Xildhibaan aan amaano lahayn ah oo aaminsan sidee baad howlahaaga gaarka ah ku hirgalin kareeysaa, sheekadiisuna tahay, waa sidee sida ugu  fudud ee aan fuud badan u dhuuqaa dalka sharciyadiisa iyo garsoorkiisa iyo cadaaladduna u caburiyaa.

Inta aan soo tilmaamay iyo in ka badan waxaa sababay wacyi la’aanta iyo tayada Aqoon la’aanta waana rajeeyn in waxa laga baran doona.

Dooroshada soo socoto ee Xilka ugu sareeyo Dalka waxa ay heysataa jaanisya badan laga joogo maanta oo taariikhdu tahay 13-07.2021 taa oo loo astay  in ay qabsoonta October-2021,  weeynu  arki doonaa sida ay wax noqdaan.

Marka aan ka hadlo Rayiga Bulshada Horumarka jecel waa run hadalkii Madaxweeynii hore ee dalka ka dib marka aynu aragnay wax qabadka dowlad wanaagga, oo Qabydu maanta ayeey ku wanaagsan tahay inuu dhameeystirtaa ninkeeda, Maadaama Afar sano  tahay waqti gaaban oo aan lagu gaari karin Wax qabad heer sare jooga, tusaale: marka aad socodkii la qabsato buu waqtigiina dhacayaa taa oo keento Caqabada badan iyo caburin badan dhanka horu socodka mana aha waqti Dalka iyo Dadkuba dan u ah oo haddii aynu aqbalnaa in afar sano ka badsanaa mudda xileedka  wax aynu gaari karnaa horumar wanaagsan.

Gunaanadka  Qormadeydu iyo ula jeedadeedu ayaa ah dowladnimadu nin ay wax ugu bilaaban yahiin waa ka fiican yahay kan aanan waxba ka Aqoon isla markaana soo arkin Garoonka Ciyaaraha iyo systemeska masaraxa.

Maadama dalkeenu dib udhis marayo marxaladahiisa, waana sababta aan ugu baaqayo in  markasta ka Wanaagsan yahay  mid ku cusub masraxa Siyaasadda in aan loo taagnaan si xal loo gaaro.
WQ: Afraax SONNA