WAAXDA QORAALKA IYO WARGEYSKA OO MUNAASADDA IIDUL ADXAA UGU HAMBALYEYNEYSO DHAMMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED

Maamulka iyo Shaqaalaha Waaxda Qoraalka iyo Wargeysyada ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay Hambalyada munaasabadda Eidul Adxa awgeed udirayaan Madaxda Qaranka, Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan Musliminta Caalamka meel walba oo ay Dunida ka joogaan.

Guud ahaan Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Waxay Rabbi ka baryayaan in uu dalkeena Soomaaliyeed amni nooga dhigo quluubta shacabka Soomaaliyeedna isu soo jeediyo.

Ciid Mubaarak ciidaan ciideeda kale Rabbi ha nagu gaarsiiyo  Nabad iyo Barwaaqo.

Ugu dabeyn dhamaan Muslimiinta gaar ahaan Shacab weynaha Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in lays cafiyo la iskuna naxaristo oo masaakiinta gacanta loo taago inta lagu guda jiro maalmnaha farxadda ee Ciidda.