Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda Carafo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ee Caasimadda Muqdisho.

Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa eebe ugu baryay Shacabka Gobolka Banaadir in ciidaan tan xigta ay ku gaaraan Barwaaqo, Nabad iyo Horumar. Waxaa uu sidoo kale u rajeeyay in ay farxad ku ciidaan.