Kulan looga hadlaayey xoojinta xiriirka Garsoorka iyo Booliska oo Muqdisho lagu qabtay

Kulankan oo shir guddoominayay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, guddoomiyaha gobolka Banaadir,Taliyaha ciidanka Booliska, Taliyaha Qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirada ka dhexeeya Booliska  iyo ha’adaha Garsoorka si loo dardar galiyo fulinta awaamiirta ka soo baxda Maxkamadaha Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ayaa ugu horayn warbixin ka dhagaystay Guddiga fulinta arrimaha madaniga ah ee Maxkamada iyo saraakiisha Booliiska ee ka shaqeeya Gobolka banaadir, iyagoo soo bandhigay caqabadaha taagan ee ubaaahan in la dhaqaajiyo xalintooda

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud   ayaa Sheegay in ay muhiim tahay in hay’ad kasta ay ogaato in sharcigu  maamulo loona baahanyahay in loo hogaansamo sharciga.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo shirka furay ayaa sheegay in Garsoorka iyo poliska ay isku tiirsanyahiin oo uuna midna midka kale la’aantii shaqo usuurto galaynin.