Ciidanka DF oo howlgal qorsheysan ku dilay 15-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano argagixisada ay ku dhuumaaleysanyeen oo  ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka inta uu socday ayay ciidanka Kumaandooska Danab waxay ku bur buriyeen fariisimo maleeshiyada Al-Shabaab gambaad ka dhigan jireen,islamarkaana ka abaabuli jireen falalka gurracan ee Shacabka ay ku dhibaateeyaan.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka lagu dilay in kabadan 15-dhagar-qabe oo ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sii laba jibaaray howlgalada ka dhan ah argagixisada iyagoo ugu dhacaya goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.