warbixin: Mileteriga Mayanmaar oo dilay 75- caruur ah

Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii sheegay inay heleen macluumaad lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in 75 carruur ah la dilay ku dhowaad kun qof oo kalana la dhigay xabsiyada Myanmar tan iyo 1-dii Febraayo.

Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in shantii bilood ee la soo dhaafay mileteriga Mayanmaar ay dalka galiyeen qalalaaso siyaasadeed,taasina ay u dheer tahay xaalad deg deg ah oo uu keenay cudurka faafa ee COVID-19.

Warbixinta aya lagu yiri “Carruurta waxay la kulmaan rabshado aan kala sooc lahayn, toogasho aan kala sooc lahayn iyo xarig aan loo meel dayin maalin kasta,”.

Mudaharaadyo waawayn oo ay dhigayaan dadka Mayanmaar ayaa ka socda magaalooyinka dalkaasi,laakiin waxay la kulmeen jawaab militari oo aad u daran tan iyo afgambigii xukunka looga tuuray hogaamiyihii rayidka Aung San Suu Kyi.