Hawlgallo lagu baacsanayo Argagixisada Al-shabaab oo ka socda Koonfurta Mudug

Galmudug- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed qeybta 21-aad ayaa hawlgalo looga sifaynayo Argagixisada Al-shabaab ka wada deegaamada Koonfurta gobolka Mudug.

Ciidanka milatariga soomaaliya iyo daraawiishta Galmudug ayaa u ruuqansaday Dhanka degaanka Camaara ee gobolka Mudug oo 7km u jirta degaanka Bacaadweyn.

Magaalada Bacaadweyn iyo Tuulooyinka ku hareeraysan ayaa gabi ahaan ba laga sifeeyey Argagixisadda Al-shabaab, hawlgaladan ayaa waxa wada jir u fulinaya Ciidanka Xoogga iyo Ciidanka Daraawiishta Galmudug.