Turkiga iyo Israel oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadda

Turkiga iyo Israel ayaa ku heshiiyay in ay xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadda ka dib markii wada hadal naadir ah oo dhanka telefoonka ku yeesheen labada madaxweyne, sida uu sheegay afhayeenka xisbiga talada haya ee AK Party.

Labada dhinac ayaa danjiriyaasha kala qaatay 2018 ka dib markii Ankara ay carro kula dhul dhacday Israel ooh ab-dhaqan aad u xun kula kacday Falastiiniyiinta degan Daanta Galbeed, iyadoo sidoo kale Israel Turkiga ku eedeysay in ay taageerto xubnaha ururka Xamaas oo maamula Jiidda Gaza.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa madaxweynaha cusub ee Israel Isaac Herzog u hambalyeeyay.

“Hanaanka ayaa soo baxay ka dib wada hadalka, kaas oo horumar lagaga gaaray arrimo dhowr ah iyo sida loo xalinayo mushkuladaha kala ee  taagan,” sidaa waxaa yiri Cumar Jelik oo ah afhayeenka xisbiga AK Party.

Waxaa uu intaas ku daray in arrinta laga wada hadlay ay kamid tahay sida uu Turkiga rabo in loo wajaho qadiyadda Falastiin, waxaa sidoo kale isla soo qaadeen, dalxiiska, ganacsiga ku saleysan wax isweydaarsi.

Ka hor wada hadalka waxaa Turkiga safar shaqo ku tagay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas. Intii uu socday wada hadalka Erdogan waxaa uu u sheegay dhigiisa Israel ahmiyadda ay gobolka u leedahay in wada hadal dhex mara labada dhinac.

Erdoğan waxaa uu ku cel celiyay taageerada uu u hayo qorshaha xalka labada dowlood oo Israel iyo Falastiin ah.

Israel ayaa had iyo jeer ku eedeysa in uu taageero xubnaha ururka Xamaas oo Israel iyo dalalka reer galbeedka ku tiriyaan urur argagaxiso.

Turkiga waxaa uu sidoo kale isku dayay in uu hagaajiyo xiriirka xumaaday oo uu la leeyahay dalalka Sacuudiga iyo Masar.