Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Ciidanka Xoogga oo hawlgalo ka bilaabay Koonfurta Gobolka Mudug

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa saaka Howlgalo lagu baacsanayo Argagixisada Al-Shabaab ka bilaabay Koonfurta Gobolka mudug

Ciidamada ayaa saaka ka ruqaansaday Fariisimo ay ku lahaayeen Deegaanada dhaghaye iyo Hareeri dheere halkaas oo ay Ciidanku ku lahaayeen Saldhigyo Ciidan ,Saraakiisha ayaa sheegay inay saaka Ciidanku wadaan Howlgal Argagixisada Al-shabaab looga sifaynayo Deegaanada ay ku dhuumaalaystaan ee  ka tirsan Koonfurta Gobolka mudug

Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa ka firxaday Koonfurta Gobolka mudug ka dib markii dhawaan jab xoogan kala kulmeen Dagaaladii ka dhacay Bacadweyne,Wisil iyo deegaanada ku hareeraysan oo dhamaantood Ciidamadda Dawladdu la wareegeen.