Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay kulan looga hadlayay amniga iyo wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar kulan aan caadi ahayn kula qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Wakiilada Guddiga abaabulka iyo wacyigelinta Qaranka.

Kulanka ayaa looga hadlay Wecyigelinta Bulshada, Sugida Amniga Bulshada, ka hortaga Waxyaabaha Maanka dooriya iyo Bilicda Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee G/Banaadir, Guddoomiyaha Guddiga abaabulka iyo wacyigelinta Qaranka iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowlada hoose ee Xamar.

Masuuliyiinta ka qeybgalay shirka ayaa isla gartay in Guddiyo heer kala gedisan loo xilsaaro wacyigelinta, ka hortagga mukhaadaraadka iyo sugidda amniga Shacabka, kuwaasi oo todobaadyada soo socda ka howlgali doonna Muqdisho.