Shacabka ku dhaqan tuulada Jiidow oo iska caabbiyay weerar ay ku soo qaadeen Al-shabaab

Dadka ku dhaqan tuulada Jiidoow oo hoos tagta degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa si weyn isaga caabbiyay isku day ay kooxda Al-Shabaab ku doonayeen in ay kaga qaataan xoolo sharci darro ah.

Qaar ka mid ah dadka degaankaas ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in ay iska caabbiyeen malleeshiyaad ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab oo watay laba gaari oo Mini Bus ah, kuwaas oo doonayay in ay boobaan xoolaha ay dhaqdaan shacabka ku dhaqan Tuulada iyo nawaaxigeeda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dadka ku dhaqan goobaha ay ku sugan yihiin ku qasba inay bixiyaan xoolo iyo lacago ay ku sheegaan Zakawaad, balse shacabka ku nool Tuulooyinka hoos taga Warsheekh iyo dhulka baaddiyaha ayaa billaabay inay iska caabbiyaan malleeshiyaadka Argagixisada, markii ay u adkaysan waayeen dhaca iyo boobka joogtada ah.