R/wasaare Rooble oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheekh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhigiisa dalka Qatar uga warbixiyay horumarka ay dowladda ku talaabsatay ee dhinacyada Amniga iyo doorashooyinka dalka.