Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Madaxda Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo Heshiis Wada gaaray.

Is-afgaradka Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Federaalka iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shir muddo dhawr bari ah uga socday Wasaaradaha Waxbarashada Garoowe ayna hogaaminayaan Wasiirada Waxbarashada ayaa waxaa la isku afgartay qodobadaan hoos ku xusan

1. In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha Waxbarashada.

2. In la mideeyo qalfoofta manhajka (Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).

3. In Maamul Goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.

4. In shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah.