Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo xarigga ka jaray Xarunta Taliska qeybta 27-aad ee Degmada Buula-burde

Buula-burde- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xarunta taliska qeybta 27-aad oo si ku meel gaar ah ugu shaqeyn doona dhismihii shiirkole ee degmada Buula-burde ee gobolka Hiiran.

Muunasabada xarag jarka waxaa ka soo qeyb galay taliyaha Qeybta 27-aad taliyaha ciidamada AMISOM,  madax weyn ku-xigeenka Hirshabeelle , xildhibaano iyo maamulka gobolka Hiiraan ,kan degmada Buula burde, odayasha dhaqanka iyo marti shaqaf Kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay taliyaha ciidanka xoogga dalka, maadama taliska qeybta 27-aad u gartay in ay fariisin ka dhigaan degmada Buula-burde, wuxuuna ka codsaday in cadowga laga sifeeyo deegaaanada Hirshabeelle.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo soo xiray munaasabada Xarig jarka taliska qeybta 27-aad ayaa sheegay in taliska uu mas’uul ka noqon doono  dhul aad u baaxad weyn kana codsaday bulshada kudhaqan dagmada iney lashaqeyan ciidanka difaaca dalka.