Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray taliska ciidanka Xoogga ee degmada Garbahaarey+Sawirro

Ilayska Dalka :- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka ku tagey xerada Ciidanka Xoogga dalka kaga sugan yihiin degmada Garbahaarey.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku boggaadiyey ciidanka difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan kooxaha argagixisada.