Madaxweynaha Turkiga oo la kulmay dhigiisa Falastiin Mahmoud Abbas

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhigiisa Falastiin Mahmoud Abbas ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin ku wada yeeshay magaalada Istanbul ee dalka turkiga,kulanka ayey labada madaxweyne kaga wada hadleen isbedelka gobolka iyo talaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Turkig ayaa sheegay in Turkigu marna ka aamusi doonin dulmiga Israel ku hayso shacabka Falastiin,isagoo dhanka kale xusay in aanay suurto gal ahayn marnaba in nabad waarta ka dhalato gobolka inta ay sii socoto siyaasadda ku dhisan qabsashada dhulka falastiin ee Israel wado.

Shirkan labada hoggaamiye ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, agaasimaha isgaarsiinta Fahrettin Altun, afhayeenka madaxweynaha Ibrahim Kalin, iyo madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Hakan Fidan.

Xigasho:anadolu.