Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Buulo-barde.

Taliyaha Ciidanka Xoga dalka Genaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray dagmada Buulo-burde.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Taliye Odowaa Taliyaha Qeybta 27 General Axmed Maxamed Calasow (Tareedish) iyo taliyeyaasha qeybta 27aad ee CXD.

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa ah daah-furka Taliska qeybta 27 oo laga dhigay dagmada Buulo-burte.