Dawladda Qatar oo si kulul u cambaaraysay weerarkii lagu qaaday Taliyaha Guud ee Booliska Gobolka Banaadir

Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay falkii argagaxisanimo oo lala eegtay kolonyadii uu la socday Taliyaha Guud ee Booliska Gobolka Banaadir , kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ayey dawladda Qatar ku cambaraysay falkaas cadownimadda ah, dawladda Qatar ayaa uga tacsiyadaysay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhimashadda shacabkii ku dhintay weerarka iyadoo dhaawacana u rejaysay in ay caafimaad helaan.