Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Jubaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Guddiga Doorashooyinka Jubaland isagoo kula dardaarmay in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Ra’iisul Wasaaraha oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa kulamo kala duwan la yeelanayay dhinacyada ay quseyso arimaha Doorshooyinka iyo xalinta khilaafaadka Gobolka Gedo ee Jubaland.