Ra’iisul wasaare Rooble oo u kicitamay Garbahaareey

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u kicitimay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, halkaasi oo ka mid ah goobaha ay ka dhaceyso doorashada Kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay ku weheliyaan Guddigii heerka Wasiir ee dib u heshiisiinta ayaa la xidhiidha geedi socodka Arrimaha Doorashada iyo xalinta khilaafka Gobolka Gedo.

Magaalada Garbahaarey ayaa laga dareemayaa soo dhawaynta Ra’iisul wasaaraha iyadoo magaalada lagu dhajiyay boorar soo dhawayn ah oo sawirada Ra’iisul wasaaraha lagu xardhay.