Nadaafadda Deegaanka waa waajib saaran Cid kasta (warbixin)

Dadnimo wanaagsan waxaa la helaa ama ay imaan kartaa marka qof , qoys ama ummad ay garato in la dhowro deegaanka,lagana hortago wax kasta oo dhibaato u keeni kara goobaha laga fuliyo adegyada bulshada sida waddooyinka,suuqyada iyo wixii kale oo la mid ah.

Nadaafada waa aasaaska nolosha ,waana iimaanka barkii,taasoo macnaheedu yahay in dadku ay ku xisaabtamaan in mar kasta oo qashin uu deris kula yahay uu kuu dhow yahay cudurku,sidaa aawadeedna ay haboon tahay in lagu baraarugo Kahortaggu in uu ka wanaagsan yahay raadinta xalka dhibaatada.

Haddaba, maxaa sababay in dad badan ay caado ka dhigtaan in wadddooyinka iyo xaafadaha ay ku daadiyaan biyaha wasaq ah iyo qashin aad u fara badan oo ka haray waxyaabaha daruuriyaadka ah ee laguĀ  isticmaalo guryaha iyo alaabooyinka kale ee lagu qaato adeegyada,sida bacaha iyo baakadaha ?.

Si looga fogaado nadaafad darida ay sababaan cudurada faafa,sida Mallaariyada,Tifoowga,Shubanka iyo dullinka dad ku noolka ah,Waxaa lagama marmaan ah in maamulka degmo kasta ay sameystaan ciidamo ama kooxo u howlgala wax ka qabashada qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee lagu qubo waddooyinka xaafadaha.

Waxaa qasab ah in ay jiraan goobo loogu talagalay in la dhigo qashinka iyo diyaarintii gawaari ka qaada haraaga wasaqda,sidaa daraadeed dowladda Federaalka iyo kan gobolka waxaa looga fadhiyaa in ay ku dhaqaaqaan wax ka qabashada arimahaa.

Maaamul wanaagsan ayaa xil iska saara sidii mudnaanta loo siin lahaa fayo qabka deegaaanka ,iyadoo mar kasta xoogga la saarayo dhismaha haaman iyo booyado loogu talagaly in lagu qaado qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee yaalla inta badaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Waa in la sameeyo wacyigelin joogto ah oo dadka loogu sheegayo in biyaha iyo wasaqda ay ka ilaaliyaan waddooyinka oo dayactirkooda iyo dhismahoodu ay ku baxeenlacago fara badan iyo in sidoo kale dadka lagu baraarujiyo halista nadaafad daridu ay u keento bulshada.

Sidoo kale,waxaa habbon in cid kasta ay u howlgasho qurxinta deegaanka ama goobta ay ku nool yihiin,iyadoo xoogga la saarayo gannaax lacageed oo lagu soo rogo ciddii isku dayda in ay qashin iyo biyo wasaq ah ku shubaan waddooyinka ama xaafadaha .

Waxaa farxad ah in ay socdaan dadaallo gaabis ah oo la doonayo in lagu qaado haraaga qashinka ay ka tageen biyaha roobka ee ku soo rogmaday qeybo ka mid ah waddooyinka iyo xaafadaha gobolka Banaadir.

Gabagabadii,maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ee degmooyinka ,waxa looga fadhiyaa in ay dib u eegis ku sameeyaan howlaha kutalagal ee horyaalla,gaar ahaan kahortagga burburka ku soo noq-noqda waddoooyinka illa hadda la dayactiray,iyadoo sidoo kale ay lama huraan tahay in wax laga qabto faafidda cudurada qatarta ah ee ka dhasha biyaha wasaqda ah ee lagu daadiyo waddooyinka iyo xaafadaha..

W/qoray Shire Xasan Kulmiye