Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu wado inuu maanta safar ku gaaro Jubaland

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu maanta safar ku tago Dowlad Goboleedka Jubaland.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble safarkiisa Kismaayo ayaa aad looga dareemayaa guud ahaan Dowlad Goboleedka Jubaland, safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo uu ku tago Dowlad Goboleedka Jubaland Mudadii uu Xafiiska Joogay, isaga oo hore u booqday dhammaan maamul goboleedyada kale ee Dalka.

Sidoo kale waxa la filayaa inuu Ra’iisul Wasaaruhu dhagax dhigi doono mashaariic hormarineed oo laga hirgalin doono Jubaland.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo masuul ka ah arrimaha Doorashooyinka dalka ayaa aad loogu ammaanay sida habsamida leh ee uu u wado hirgelinta doorashooyinka qaranka.