Waa sidee xaalka dekadda Dubai oo maalinti shalay dab ka kacay?

Markab qaada konteenarada ayaa dab ku qabsaday mid kamid ah dekadaha ugu mashquulka badan caalamka ee Dubai, gelintii dambe Arbacadii shalay, mas’uuliyiinta maxaliga ah ayaa sheegay in dabkan uu Khalkhal geliyay xarunta ganacsiga ee Imaaraadka Carabta.

Qiiq iyo holac ayaa is qabsaday markii markabka ku xirnaa dekada Jamalu Cali oo ah tan ugu mashquulka badan Bariga Dhexe uu dab qabsaday.

“Dabka waxaa uu ka dhashay mid kamid ah konteenarada saarnaa markabka dekada Jamalu Cali waana la xakameeyay dabka, ma jiro qof wax ku noqday dabkaas,” sidaa waxaa lagu yiri Twitter qeybta warbaahinta ee dekadda.

Dhismiyaasha ka ag dhowaa dekada ayaa waxaa soo gaaray waxyeelo daaqadaha ayaa soo daatay taas oo sababtay waxyeelo soo gaarta ugu yeraan sadex qof.

Ilaa iyo hadda lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay dabka qabsaday markabka qaada konteenarada, sidoo kalena laga shaacin waxa sababay dabka.

Saraakiisha dekada waxay sheegeen “ waxaa qaadnay dhammaan talaabooyinkii lagama maarmaanka u ahaa in la hubiyo si shaqada dekada si caadi ah ugu soo laabato iyadoo aan wax caqabad ah jirin”.

Telefishinka Al-Carabiya oo soo xiganaya xukuumadda Dubai waxaa uu sheegay in dhammaan shaqaalaha markabka si nabad ah looga soo daad gureeyay.

Dekada Jamalu Cali oo ku taala dhanka waqooyi ee Dubai waa dekadda ugu weyn ee caalamka waxay isku xirtaa dunida bari iyo galbeed.

Shirkadda DP World oo dekadaas maamushana waxay ku sifeysay marinka ugu muhiimsan ee isku xira ganacsiga caalamka oo dhan.