Hawlgallo ciidan oo ka socda Mudug iyo Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Gal-mudug mudane falagle ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo la doonayo in kooxaha nabad-diidka looga sifeeyo goobaha teelteelka ah ee ay ka joogaan deegaanada Mudug iyo Gaalgaduud.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ciidamada howgal ay fuliyeen ay ku Soo qabteen maxaabiis,islamarkaana ay wadaan baaritaano,wuxuuna tilmaamay in howgaladaan ay noqon doonaan kuwo joogto ah.

Wasiirku,waxa uu beeniyay Warar sheegay in Al-shabaab la Wareegeen Bacaadweeyne wuxuuna qiray in Ciidamadda Xoogga Dalka iyo ku wa Daraawiishta ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Bacaadweyn,isla markaana ay deggan tahay xaaladda deegaankaasi.

Wararka aynu ka heleyno aaga ay Howgaladu ka Socdaan ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku jabeen weerar ay ku Soo qaadeen fariisimo ay Ciidamada ku lahaayeen deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka mudug halkaasi oo looga qabsaday tiro maxaabiis ah .

Hawlgaladaan ay Ciidamadda Xoogga dalka iyo ku Wa daraawiishta Gal-mud ay ka Wadaan Gobolada Mugud iyo Gaalgaduud ayaa ku soo beegmaya xilli Maamulka uu u diyaargoaroobayo martigalinta doorashada golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Dalka.