Ra’iisul wasaare Rooble oo xariga ka jaray VISA Card cusub ee Bangiga IBS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xirigga ka jara adeega VISA Card cusub oo uu soo kordhiyay Bangiga IBS, kaas oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarka Ganacsi ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku qotoma hal abuurkooda Ganacsi ee ay kusoo kordhinayaan wadankooda si ay ugu haqab tiraan baahiyaha Bulshadooda ay u qabaan waxyaabaha nolosha aysan ka maarmin asigoo xusay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay mar walba yihiin kuwo ka fakara horumarka dalkooda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulka Bangiga IBS ku amaanay doorka ganacsi ee ay kaga jiraan dalka asigoo ku bogaadiyey adeegyada cusub ee maalinba maalinta ka dambeysa ay kusoo kordhinayaan dalkooda.