Xildhibaan Ilhaan Omar oo ganacsatada ku dhiirigalisay doorkooda waxqabad

Xildhibaan Ilhaan Omar oo maal-mahaan ku sugnayd Magaalada Minneapolis ayaa la kulatay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku howlan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee ku xiran nolosha bulshada.

Xildhibaan Ilhaan oo booqatay goobo ganacsi oo dhowr ah waxaan halkaaa ku soo dhaweeyey Cisman Sheikh iyo Mursal Sheikhdoon oo ah Milkiilayaasha Xarun cusub oo loogu magacdaray  US Xalaal Foods .

Xildhibaanada ayaa ku ammaantay dhallinyarada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan horumarinta ganacsigooda iyo magaca ayu soo hooyeen bulshada .

Wakiilka warbaahinta qaranka Cabdixakim Cabdi Ismaaciil ayaa soo shegay in xildhibaanadda ay sidoo kale la kulantay qaar ka mid ah ururada bulshada ee ku dhaqan Magaalada Minneapolis.