Shirka wadatashiga wasaaradaha caafimaad oo ka furmay Garowe

Garowe – Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka furmay shirka wadatashiga Wasaaradaha caafimaadka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay martigelisay Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, waxaana dib loogu eegi doonaa waxa ka qabsoomay shirkii ka dhacay Muqdisho sanadkii tagay.

Shirkaan waxaa ka soo qeyb galay Wasiiradda caafimaadka Puntland,Galmudug, Hiirshabelle,Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Federaalka Soomaliya.

Wasiiradii caafimaadka ee shirka ka hadlay ayaa dhammaantood muujiyay ahmiyadda uu shirka leeyahay, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo wax ku ool ka soo baxo.

Wasiirka caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowziyo Abiikar Nuur oo furitaanka shirka ka hadashay ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda horumarinta caafimaadka dalkeena.