Ku-simaha Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo laamaha amniga ka codsaday in ay sii laba jibaaraan sugida amniga Baladweyne

Balad weyne– Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Ahmed Hagar Dabageed oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golaha wasiirada maamulkaas ayaa maanta kormeer ku soo maray qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne.

Mas’uuliyiintan ayaa u kuurgeliyay xaaladda amni ee magaalada oo ay ku soo fool leedahay doorashada xildhibaanada Soomaaliya.

Wasiirka amniga maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay inuu amniga magaalada Baladweyne wanaagsan yahay,islamarkaana laamaha amniga wax badan ka qabteen.

Madaxweyne ku-xigenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa ka codsaday saraakiisha ciidamada in ay sii laba jibaaraan howlgalada amniga lagu suagyo.

Magaalada Baladweyne ayaa laga dareemayaa diyaargarowga doorashada kuraasta  Baarlamaanka Soomaaliya oo halkaas lagu wado in lagu qabto.